Back to all information
Latest
Back to all information
Kulankii Xaafadaha
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Sheekh Cali Jawhar iyo guddida xaafaddaasi, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha nabadgelyada, horumarinta adeegyada bulshada iyo iskaashiga maamulka iyo bulshada deegaanka. Kulankaasi kaddib, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kormeer shaqo ku soo maray xarumo amni oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Saldhigga Ciidanka Birmadka Saldhigga Camuud Saldhigga Xaafadda Sheekh Axmed Bar-kontoroolka (Control) magaalada Boorama