Back to all information
Roob Doon

Roob Doon

Office of the Governor 2026-02-27 22:38:57.818000

Guddoomiyaha Gobolka Awdal C/Rashiid Xasan Mataan ayaa maanta shacabka ku dhaqan magaalada Boorama kala qayb galay tukashada Salaadda Roob-doonka (Istisqa), kaddib abaar iyo roob yari muddooyinkii u dambeeyey ka jirtay deegaannada gobolka. Salaaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu tukaday khayriyada Boorama, waxaana ka soo qayb galay culimo-udiin, salaadiin, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ujeeddada isu-soo-baxan diimeed ayaa ahayd in Alle SWT looga baryo raxmad iyo roob khayr qaba oo dalka iyo dadka u soo dega. Intii ay munaasibaddu socotay, culimada ayaa jeediyey khudbado diini ah oo ku saabsan towbad-keenka, isku-duubnida iyo in Alle loo noqdo xilliyada adag. Sidoo kale, waxaa la akhriyey ducooyin badan oo Alle looga baryayey in uu ka dulqaado abaarta, kana waraabiyo dhulka iyo duunyadaba. Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa bulshada uga mahadceliyey ka soo qaybgalka munaasibadda, isaga oo ku boorriyey in la adkeeyo midnimada, samafalka iyo isku-tashiga, si looga gudbo xaaladaha adag ee abaarta. Ugu dambayn, munaasibadda ayaa ku soo dhammaatay jawi deggen iyo rajo laga qabo in Alle ka aqbalo ducada shacabka, isla markaana uu ku mannaysto roob barwaaqo leh

Back to all information