Hambaliyada Curashada Bisha Ramadaan
C/Rashiid Xasan Mataan, Guddoomiyaha Gobolka Awdal, ayaa hambalyo ku aaddan curashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray guud ahaan shacabka reer Awdal iyo shacabka Somaliland. Guddoomiyuhu wuxuu shacabka Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey bishan fadliga badan ee Ramadaan, isaga oo ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan cibaadada, toobadda, is-cafinta iyo samafalka. Wuxuu xusay in Ramadaantu tahay bil barako leh oo ay muhiim tahay in bulshada ay isu naxariisato, isku duubnaato, isla markaana ay gacan siiso dadka nugul iyo kuwa danyarta ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa shacabka ugu baaqay in la xoojiyo nabadda, wadajirka iyo is ixtiraamka, isaga oo tilmaamay in xasilloonidu ay tahay saldhigga horumarka iyo barwaaqada. Wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada reer Awdal iyo guud ahaan Somaliland ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo midnimada, gaar ahaan inta lagu jiro bisha Ramadaan. Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu Eebbe uga baryey inuu shacabka reer Awdal iyo Somaliland ku gaadhsiiyo bisha Ramadaan nabad, caafimaad, kheyr iyo barako, isla markaana uu ka aqbalo cibaadada iyo soonka.